|
Thursday, 24 July 2008 |
Stockholm(Geeska)-Dawladda Sweden, ayaa loogu baaqay inay Midowga
Afrika cadaadis ku saarto aqoonsigga qadiyadda madaxbanaanida
Somaliland, si loo sii ambo qaado dimuqraadiyadda iyo haykalka
dawladnimo ee ka hano qaaday Somaliland tan iyo wixii ka dambeeyay
markii ay xoriyadeeda kala soo noqotay dalkii Somaliya, sannadkii
1991-kii.
|
|
|
Wednesday, 23 July 2008 |
Asmara (Geeska)- Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo ka mid ah masuuliyiinta
sar sare ee isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya, ayaa gelinkii dambe ee
shalay loo doortay guddoomiyaha guddiga fulinta
|
|
|
Sunday, 20 July 2008 |
Newyork (Geeska)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, ayaa markii labaad ay cadaatay sida aanu xogogaal ugu ahayn arrimaha ka taagan dalka Somaliland.Warbixin uu xoghaye Ban Ki-moon Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uga diyaariyay xaaladda guud ee dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo ka kooban 18 bog, ayuu golahaas u bandhigi doonaa toddobaadkan.
|
|
|
Sunday, 20 July 2008 |
Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka (UCID), Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa xalay ka qayb galay kulan lagaga hadlayay horumarka nabadda iyo is dhex galka dhallinyarada oo lagu qabtay koonfurta Hargeysa, kaas oo uu soo qaban qaabiyay urur lagu magacaabo HADAF oo uu guddoomiye ka yahay Cabdicasiis Axmed Muuse, oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliland ee qurbaha wax ku soo bartay.
|
|
|
Saturday, 19 July 2008 |
|
Addis Ababa (Geeska) – Dowladda Itoobiya ayaa walaac weyn ka muujisay tacriifadda adeegga Dekedda Jabuuti oo maamulka dekeddaasi ku dhawaaqday in la kordhinayo. Waxayna bilowday Itoobiya dhaqdhaqaaq ay kaga hortegayso dhaqangelinta tacriifadda la kordhiyey, taas oo ku soobeegantay mar ay dhawaan booqasho ku tageen Addis Ababa Wasiirka Maaliyadda Somaliland iyo Maareeyaha Dekedda Berbera. Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Cali Xoor-xoor.
|
|
|
Wednesday, 16 July 2008 |
Hargeysa(Geeska)- Ururka horumarinta dhalinyarada iyo Ciyaaraha
Gobolada Awdal iyo Salal ee Gurmad, ayaa xaaska Madaxweyne Daahir
Rayaale Kaahin, Marwo Huda Barkhad Aadan ku eedeeyay inay caqabad ku
noqotay dhismaha garoon kubada cagta ah oo la doonayay in laga dhiso
magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, kaas oo ay masuuliyadiisa
qaadeen xubnaha ururka GURMAD.
|
|
|
Wednesday, 16 July 2008 |
|
Djibouti(Geeska)- Dawladda Djibouti, ayaa shalay si rasmi ah ugu
dhawaaqday inay Somaliland ka qaadan doonto oo ay u suuq gayn doonto
allaabooyinka ay samayso oo ay Djibouti hore uga keensan jirtay wadamo
dibadda ah.Guddoomiyayaasha labada rug ganacsi ee Somaliland iyo Djibouti Md.
Siciid Cumar Muuse iyo Md. Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, ayaa shalay
Djibouti ku yeeshay kulan, waxaanay isla garteen qodob dhawr ah...
|
|
|
Tuesday, 15 July 2008 |
Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa uga digey Deeqbixiyayaasha caalamka ee Somaliland ka caawinaya doorashooyinka iyo dimuqraaddiyadda inay maalgeliyaan doorashada Madaxtooyada ee la muddeeyey 29 March 2009
|
|
|
Tuesday, 15 July 2008 |
Shirka waddamada waaweyn ee loo yaqaano G-8 waa kaalintii ugu dambaysay ee Bush joogsado isagoo madaxweyne ah. Haddaba waa maxay arrinta aad is odhan lahayd haddii uu qabto magaciisa ayey dhaxal waara uga tegi doontaa?
|
|
|
Sunday, 13 July 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, cuqaal iyo waxgaradka beesha ciida gale ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la kaxeeyo riiga mushkiladii Hargeysa gilgishay ka dhacday oo la geeyo meesha uu hawsha ka qabanayo, waxaanay sheegeen in aanuu riigu u taagnaanayn inta uu qalabka ka dhimani u imanayo.
|
|
|
Sunday, 13 July 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Cabdillaahi Cali Ibrahim, ayaa si kulul u beeniyay in ciidamada qaranka Somaliland ka soo baxeen degmada Laasqoray ee Sanaag-bari oo ay dhawaan si nabadgelyo ah gacana ugu dhigeen.
|
|
|
Saturday, 12 July 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland ayaa qarka u saaran inay ku dagaalamaan bariga fog ee gobolka Sanaag, gaar ahaan jiidda degmada Laasqoray.Ciidamada qaranka Somaliland ayaa toddobaadkan si nabadgelyo ah gacanta ugu dhigay degmada Laasqoray
|
|
|
Saturday, 12 July 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Shirkadda Dahab-shiil ayaa suuqyada Somaliland soo gelisay raashin ka qiimo jaban midka lagu gado suuqyada dalka.Markab sida daqiiq, ayaa ku soo xidhay dekedda Berbera, halkaas oo lagaga dejiyay raashin daqiiq ah oo ay soo dejisay shirkadda Dahab-shiil,
|
|
|
Thursday, 10 July 2008 |
" Somaliland waxaanu ka shaqaynaynay 10 kii sanno ee ugu dambeeyay taas oo aan odhankaro abaalmarintan qiimaha leh waxay xus dheeraad ah u tahay sannadguuradii 10 aad ee aanu ka shaqaynaynay Somaliland, aniga oo aad ugu faraxsan qiimo iyo qadarin dheeraad ah na u haya waxaan leeyahay guusha abaalmarinta waxa soo hooyay shaqaalahayaga maxaliga ah ee Somaliland ka hawgala....... (Daawo Sawirada)
|
|
|
Thursday, 10 July 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo ka mid ah madax-dhaqameedyada sare ee Beelaha Somaliland, ayaa sheegay in la qorsheeyay in riigga muranka iyo rabshadaha dhalliyay ceelal biyood loogu qodo beer ay madaxtooyadu dhawaan samaysatay.Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo shalay u waramay Telefiishanka madaxabanaan ee SLSCH, waxa uu sheegay in beertaasi ku taalo deegaanka u dhexeeya Wajaale iyo Gabiley. |
|
|
Thursday, 10 July 2008 |
Hargeysa (Geeska) – Afar Caruur ah iyo hooyadood ayaa muddaharaad cabasho ah oo si nabadgelyo ah oo habaysan loo soo agaasimey la hortegey Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa shalay, (Daawo Sawirada)
|
|
|
Wednesday, 09 July 2008 |
Hargaysa (Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shalay ku guulaystay in uu banneeyo wadada laamiga ah ee tagta Madaarka Hargaysa (Daawo Sawirada)
|
|
|
Wednesday, 09 July 2008 |
|
Hargaysa (Geeska)- Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid, ayaa balan qaaday in uu bixin doono kharashka ceel laga qodi doono Xaafada Maxamed Mooge oo ka tirsan degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa, isaga oo gelinkii hore ee shalay ku biiray xoogag tiro badan oo ka hawl galay in xaaladda koonfurta Hargeysa ee kacsani caadi ku soo noqoto.
|
|
|
Tuesday, 08 July 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Mudaharaad xoog badan oo lagaga soo horjeedo in la qaado riig koonfurta Hargeysa ka qodaya biyo oo la sheegay in xukuumadu u qorshaysay in loo wareejiyo gobolka Awdal. (Daawo Sawirada)
|
|
|
Sunday, 06 July 2008 |
|
Hargeysa (Geeska)- Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Taliyaha sirdoonka qaranka Md. Maxamed Nuur Cismaan ayaa khamiistii toddobaadkan safar aan la shaacin ku tagay wadanka Imaaraadka Carabta.
|
|
|
Sunday, 06 July 2008 |
|
Waad idiin salaamay to all Somalilanders meel kastaba ay joogaan, Salaan Kadib waxaa la yaab leh in isku sheegaya (Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba, Xildhibaan Axmed Maxamed Kijaandhe Iyo Mid isku sheegaya Dr., Siciid) oo ka mid ah mudanayaal laga Qadariyo Dalka Somaliland
|
|
|
Sunday, 06 July 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Gacan ku dhiigle Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), oo falal xasuuq iyo tacadiyo isugu jira ka gaystay Somaliland, sannadihii sideetamaadkii oo uu ahaa taliyihii qaybta 26aad ee ciidamadii Maxamed Siyaad Barre ee gobaladii waqooyi
|
|
|
Sunday, 06 July 2008 |
|
Badhan(Geeska)- Odayaasha dhaqanka ee dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Laasqoray ee Sanaag-bari oo koox budhcad badeed ahi ku haysato laba qof oo u dhashay wadamada Yurub,
|
|
|
Sunday, 06 July 2008 |
|
Darasalam(Geeska)- Mr. Makwaia wa Kuhenga, oo ah saxafi u dhashay wadanka Tansaniya kana tirsan jariirada lagu magacaabo Daily News oo ka soo baxda magaalada Darasalam ee dalka Tansaniya,
|
|
|
Saturday, 05 July 2008 |
Axadii toddobaadkan, waxa magaalada Baligubadle lagu qabtay munaasibada wanqasha gobolka HAWD....
|
|
|
Saturday, 28 June 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Baanka Somaliland, ayaa suuqyada dalka ku soo daayay lacag cusub oo ah noodhka shanta boqol ee shillin oo uu dhawaan soo daabacay.
|
|
|
Saturday, 28 June 2008 |
|
Hargysa (Geeska)- Xaflad ballaadhan oo loogu wanqalayo gobolka cusub ee HAWD ee koonfurta Hargeysa, ayaa lagu waddaa in Axadda beri lagu qabto caasimadda gobolkaas ee Baligubadle.
|
|
|
Thursday, 26 June 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Maanta oo kale, 26 Juun 1960, waxa u beryey dadkii wakhtigaa ku dhaqnaa geyigan Somaliland Waa cusub. Waxay ahayd subaxdii u horreysey ee ay soo toosaan xorriyad dhulkooda ay ku maamushaan, kadib markii ay xalay oo kale 12 habeennimo ay xaqiijiyeen gebagebaynta habeenkii dheeraa ee ay muddada 86-ka sannadood ah la halgamayeen, dhulkana soo dhigeen calankii Gumeystihii Ingiriiska, dabadeedna ay ku seexdeen farxad, nayaayiro, qiiro, xamaasad iyo gobanimo.
|
|
|
Tuesday, 24 June 2008 |
|
Hargeysa(Geeska) – Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa eedayn culus u jeediyay culimadii diinta ee ka soo horjeedsatay in Hargeysa lagu qabto xuska maalinta Miyuusiga adduunka, oo ay wasaaradiisu qaban qaabisay.
|
|
|
Sunday, 22 June 2008 |
|
Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa barqada maanta la filayaa inay safar kedis ah ku tagaan wadanka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.
|
|